Ilaalada Wasiir Axmed Yaasiin oo Dil iyo dhaawac u geestay labo wiil oo Walaalo ah

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa shalay ka dhacay dil argagax leh iyo dhaawac  labo wiil oo walaalo ah ay u geesteen ilaalada wasiir katirsan dowlad goboleedka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ilaalada wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa rasaas ku furay gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen labo wiil oo walaalo ah, xilli ay marayeen gudaha magaalada Boosaaso.

Rasaasta ay fureen ilaalada wasiirka waxaa ku dhintay Cabdirisaaq Yaasiin Maxamed, halka dhaawac daran uu soo gaaray Fahad Yaasiin Maxamed , labada wiil ee dhimasahada iyo dhaawaca soo gaaray ayaa ahaa walaalo wada dhashay.

Dad ku sugnaa goobta falkan ka dhacay ayaa sheegay in wasiirka dekaddaha uu gaariga la socday xilliga ay ciidankiisa rasaasta furayeen , waxaana ciidamada la sheegay in ay ka shakiyeen gaariga ay rasaasta ku fureen.

Ehelada wiilashada dilka iyo dhaawaca loo geestay ayaa ka codsaday maamulka Puntland in si degdeg ah falkan baaris loogu sameeyo loona horkeeno caddaalada askartii ka dambeesay dilka iyo dhaawaca wiilashadan wada dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -