Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oo ka badbaaday Weerar lagu dili lahaa

Waxaa saakay bambaanooyin lagu weeraray guri uu degmada Dharkeenley gaar ahaan   xaafadda Xasan Jiis ka deganaa C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkiinley.

Rag loo maleenayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa saakay labo bambo gacmeed ku tuuray guriga uu degnaa guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Dharkeenley, waxaana masuulkan la sheegay xilliga weerarku dhacayay in guriga ku sugnaa.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiye Shaarkey ayaa ka badbaaday weerarkan la doonayay in lagu dilo, waxaana bambaanooyinkan ku geeriyooday wiil yar oo deganaa guri ku dhegan guriga Cabdullaahi Shaarkey.

Ciidamada ammaanka oo weerarka bambaano kaddib sameeyay howlgal ayaa ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxdoo weerarka fulisay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo booliiska kasoo saareen weerarkan.

Weerarkan saakay dhacay ayaa noqonaya kii saddexaad oo saacado gudahood ka dhacay Muqdisho, waxaana xalay Warta Nabadda lagu dilay wasiir katirsan Galmudug halka isgooska KM-4 sidoo kale weerar bambaano lagu qaaday gaari ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -