Sawir laga qaaday Wiil yar oo walaalkii oo dhintay dhabta ku haya oo hadal heyn abuuray

Dalka Hindiya waxaa ka dhacday dhacdo hadal heyn badan ka abuurtay dalkaasi, kadib markii sawir laga qaaday wiil yar oo dhabta ku heesta meydka walaalkiis ka yar lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Magaalada Morena oo katirsan gobolka Madhya Pradesh ee dalka Hindiya, waxaana sawir laga qaaday meydka wiil sideed sanno jir ah oo dhabta ku heesta meydka walaalkiis oo ka yar.

Aabaha dhalay wiilka geeriyooday iyo wiilka dhabta ku heesta ayaa la sheegay in uu u baxay markii sawirka la qaadayay raadinta gaari lacag yar ku qaada si wiilka u geeyo gurigiisa una aaso.

Muuqaalkani ayaa ku dhex baahay baraha bulshada, iyadoo dadka wax iska weeydiinayeen sababta aaney taageero ugu fidin qoyskan dhiban maamulka gobolka Madhya Pradesh iyo dowladda Hindiyaba.

Dhacdadan waxaa si weyn u faafiyay Xisbiga mucaaradka ee Congress Party, waxaana dhacdadan ka careesiisay oo xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP oo sheekadan u arka mid siyaasad ka dambeesa.

Shivraj Singh Chouhan, oo ah Wasiir katirsan maamulka gobolka Madhya Pradesh oo wariyaasha damceen in su’aal ka weediiyaan dhacdadan  ayaa iska sii socday isaga oon wax jawaab ah siin wariyaasha.

Dhacdada wiilkan dhabta ku haya meydka wiilkiisa ayaa markii sai weyn u baahday ayna abuurtay hadal heyn badan ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka, Narottam Mishra,  amrey in baaritaan lagu sameeyo arrintan iyo sida ay ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -