Siyaasi caan ah oo xilkiisa ku waayey Muuqaal isagoo dabaalanayo la baahiyay

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Ukraine ayaa laga saaray Xisbiga uu ka tirsanaa, kaddib, markii uu Baraha Bulshada soo dhigay Muuqaal isagoo ku dabaalanayo Badda dalka Thailand.

Siyaasiga oo lagu magacaabo Mykola Tyshchenko ayaa Muuqaalkaasi Iska soo duubay, xilli uu Socdaal Shaqo ku joogay dalkaasi, si uu u dhiso xiriir ay Dowladda Ukraine la yeelato Qurba-joogta ku nool dalka Thailand.

Mykola Tyshchenko waxaa laga eryey Xisbiga uu ka tirsanaa ee The Servant of the People, kadib, markii Muuqaalkiisa dabaasha baahiyey Khamiistii la soo dhaafay ee Taariikhdu ahayd January 26 ee sanadkan 2023.

Siyaasigaasi markii laga eryey Xisbiga kadib, waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu Socdaalkiisa Qaaradda Asia uu Rasmi yahay, oo ay Madaxda Xisbiga og yihiin Qorshaha Safarkiisa.

Mykola Tyshchenko waxa uu ku diiday inuu qaatay Amarkii Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, si loo horumariyo Xiriirka Saaxiibtinimo ee dalalka Qaaradaha Asia iyo Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray in Xaqiiqda Socdaalka uu ku joogo dalka Thailand yahay Socdaal Haqlewd oo lala og yahay.

Fadeexadda Siyaasiga Mykola Tyshchenko ee xilka looga qaaday, waxay timid dhowr maalin kadib, markii ay Golaha Ammaanka iyo Difaaca Qaranka dalkaasi (The National Security and Defense Council of Ukraine (NSDC) go’aansadeen in Saraakiisha Dowladda laga mamuuco Safarada dibedda, wax aan ka ahayn Socdaal Shaqo.

Sharciga Degdeg ee dalka Ukraine waxa uu dhigayaa in Ragga u dhashay dalkaasi ee ay da’dooda u dhexeyso 18 ilaa 60 jir laga mamnuucay inay dalka ka dhoofaan, marka laga reebo tiro kooban oo Kiisas oo laga doonayo Fasax Khaas ah oo ay Dowladda bixisay.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -