Masuuliyiin dhiirogelin ugu tagay Ciidamadii Al Shabaab ka saaray Janaay Cabdalle (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Jubaland iyo ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay kamid ahayeen Wasiirka Caafimadka , Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta  iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa ciidamada gaarsiiyay taakulo kala duwan oo ka kooban daawooyin iyo xoolo nool.

Sarakiisha ciidamada ayaa wafdiga madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyay xaalada Deegaanka iyagoo sidoo kale la kulmay dadka deegaanka ee dhawaan laga xoreeyay Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato culus ku hayay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay dadka deegaanka sida hufan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada usoo gurmaday isla markana ay diyaarka ugu yihiin xoraynta Deegaanada wali ka maqan gacanta dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -