Wasiirka warfaafinta Somalia oo xilkii ka qaaday agaasimihii guud, Mid cusubna magacaabay

Wasiirka Warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbe ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii Wasaaradaas, isagoo magacaabay mid cusub sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta ayaa loo magacaabay C/llaahi Maxamed Xayir oo horay u soo noqday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga

Talaabadan ayaa aheyd mid maalmahanba la filayay, iyadoo la sheegayo in isbedelkan ay ka dambeysay Madaxtooyada Somalia oo aan jecleysan nidaamka tifaftir ee dhexdhexaadka ah ee ay qaadatay Warbaahinta Qaranka, kaasoo loo arlay mid caqabad ku ah ololaha Madaxweyne Farmaajo.

Muddooyinkii u dambeeyay warbaahinta dowladda ayaa si isku mid ah wararkooda u tabineysay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, gaar ahaan Mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -