(Akhriso) Itoobiya oo dalkeeda ka joojisay Warbaahinta Soomaalida oo ay ku jirto BBC

Dawladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka joojisay in ay ka hawl-galaan TVyadan oo ah kuwo Soomaalida iyo idaacadda BBCSomali, gaar ahaan deegaanka Soomaalida. Sababta ayaa lagu sheegay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta Ethiopia (Ethiopian Media Authority).

HOOS KA AKHRISO QORAAL ARRINTAAS LA XIRIIRA OO KA SOO BAXAY XAFIISKA WARFAAFINTA DOWLAD DEGAANKA SOOMAALIDA

Wargalin

Ku- dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee Fasaxa haysan ka na hawlgala DDS.

Ujeedo:- Shaqa joojin.

Xafiiska Warfaafinta Dawalada Deegaanka Soomaalida oo tix raacaya warqada ka soo baxday Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority) ee sumadeedu tahay EMA/2032/1038, kuna taarikhaysan19/5/2015 T.I  ayay wakaaladu ku wargalisay Xafiiska Warfaafinta DDS in shaqada si dagdag ah loo ga joojiyo dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay iyo wakiila wareedyadooda, maadaama ayna fasax ama ruqsad ka haysan Wakaalada maamulka Warbaahinta Itoobiya ( Ethiopian Media Authority).

Sidaas darteed Xafiiska Warfaafinta DDS laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 20/05/2015 T.I waxa lagu wargalinayaa dhamaan Warbaahinta Dalka dibadiisa laga leeyahay ee aan fasax iyo ogolaasho haysan in ay ka shaqayn karin Dawlada Deegaanka Soomaalida.

HOOS AKHRISO MAGACYADA WARBAAHINTA LA MAMNUUCAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -