Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in hey’adaha dastuuriga ah ee dalka aan lagu kala diri karin sababo la xiriira muddo xileedkooda oo dhamaaday
Dubbe oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daray inay dowladnimada Soomaaliya ku talaabsatay horumar, isla markaana loo baahan yahay in la sii kobciyo.
Waxaa uu xusay inaan loo baahneyn in lagu celceliyo baarlamaanka iyo xukuumadda waqtigii ayaa ka dhamaaday ee hala kala diro, iyadoo aan la helin masuuliyiintii bedeli laheyd.
“Dad ayaa raba inaan laga soo kaban wixii nasoo maray, shisheeye ha ahaadaan ama Soomaali, banaanka ayaa laga soo dirayaa dadka qaar, iyadoo la leeyahay baarlamaanka hala kala diro, xukuumadda hala rido dalka dowladu waa adkaatay, horayna waa u soconaynaa,” ayuu yiri Dubbe.
Hadalkan ku soo beegmaya xilli uu dhamaaday muddo xileedkii dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya, iyadxoo aan hadda heshiis laga gaarin doorashada guud ee dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com