Xildhibaano ka tirsan BF oo gaaray degaan dhowaan laga saaray Al-shabaab (Sawirro)

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed  Cabdullahi Buraale Raaxeeye oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Hees oo kamid ah deegaano dhawaan laga saaray Alshabaab ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanke ee is abaabulay ayaa dhawaanahaan iyagu qeyb ka ahaa howlgalada, degaano ka tirsan gobalka hiiraan looga saaray  alshabaab.

Xildhibaanadda ayaa dhiiri-galinayay ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo isku kaashanaya sidii la isaga dulqaadi lahaa Al shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa sheegay in howlgaladan ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonaan ciidamada dowlada, ayna dhowaan ku wajahan yihiin degaano kale oo gacanta ugu jira Al-shabaab.

- Advertisement -