Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhalinyaro dowlada Somalia ka sii deysay xabsiyada Liibiya oo ku soo wajahan dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sii deynta dhallinyaro qaarkood Maxaabiis ahaan u heysteen Kooxaha Burcada Liibiya ee loo yaqaano Magafayaasha.

Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in dhallinyaradan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya maalinta bari ahna laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in dhallinyaradaan oo tiradoodu gaareyso 14 ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitan Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalka Liibiya dib loogu soo celin lahaa dalka.

Related posts

Shirkii Golaha Wadatashiga oo maalintii labaad looga doodayo qodobo culus (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun lagu riday ninkii ka Dambeeyay dilka iyo Kufsiga Xamdi Maxamed Faarax

Cabdi Cade

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sjaaciyay hadal dad badan layaabeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---