Muuse Biixi oo hortiisa lagu Dhaariyey afar Xubnood oo ka mid ah Komishanka Cusub ee Doorashooyinka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Afartii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ay dhawaan golaha wakiilladu ansixiyeen.

Ugu horrayn guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Axmed, ayaa afarta Xubnood ee Komishanka cusub ee doroashooyinka mid mid gacanta u saaray kitaabka qur’aanka kariimka ah, kuna dhaariyey Inay hawsha doorashada u gudan doonaan si xilkasnimo iyo daacadnimo ah, dhexna u ahaan doonaan xisbiyada iyo murrashaxiintaba, sharciga iyo caddaaladdana ku sugnaan doonaan muddada ay hayaan xilka qaran ee maanta loo dhaariyey.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la dardaarmay xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ee maanta la dhaariyey, waxana uu dareensiiyey culayska hawsha dummaddooda saaran tahay iyo waajibaadka qaran ee laga sugayo, isaga oo muujiyey sida uu ugu kalsoon yahay gudashada waajibka saaran.

Xubnaha komishanka doorashooyinka ee maanta madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey oo tiradoodu dhan tahay Afar xubnood, ayaa dhawaan kasoo gudbay golaha wakiillada oo iyagu iska leh waajibka ugu dambeeya ee ansixinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -