Dad badan oo Cimilada oo kulul awgeed ugu geeriyooday dal ku yaalla Qaarada Afrika

Dowladda South Africa ayaa xaqiijisay inay 8 qof u dhinteen Kulaylka Daran ee Qoraxda oo ka jira qeybo ka mid ah dalkaasi.

War ka soo baxay Wasaaradda Shaqada ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inta badan dadka geeriyooday ahaayeen Shaqaale Beeraley ah oo ku noolaa Gobalka Northern Cape ee xuduudka la leh dalalka Namibia iyo Botswana.

Afhayeenka Dowladda dalkaasi, Michael Currin ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Cimilada Kulul (The hot weather), kana xun yihiin Warka ku aadan 8-da qof ee u dhintay Kulayka daran ee Cadceeda.

Qeybo ka mid ah dalka Koonfur Afrika waxa uu Heer-kulka (temperatures) gaaray maalmihii la soo dhaafay 40 digirii oo Sentigaredh (40°C).

Kulaylka Xad-dhaafka iyo Beekhaaminta Rarka Korantada (Load shedding) ee dalkaasi ayaa soo dedejisay Digniinta laga soo saaray Maydadka ku kaydsan Qeybta maydadka ee Isbitaallada dalkaasi.

Xoghayaha Guud ee Ururka xirfadlayaasha maydadka ee dalkaasi, Vuyisile Mabindisa waxa uu dadka Reer South Africa ugu baaqay inay muddo 4 maalmood gudaheeda ku aasaan maydadka kuwa ay jeclaayeen ee ku jira Qaboojiyayaasha Isbitaallada, maadaama uu Heer kulka kor u kacay, ayna jirto Jadwaladeynta Kaltanka Korantada (Load shedding), iyadoo maalin kasta oo sanadkan 2023-ka la arko koronto-daminta dalkaasi.

Dadka South Africa waxay khibrad u yeesheen in ka badan 200 oo maalmood ee daminta ama  Jadwaladeynta Korantada ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Saadaasha cimilada ee dalkaasi (The SA Weather Service), qeybo ka mid ah Goballada  KwaZulu-Natal oo ay ku jirto Pietermaritzburg la rajeynayo inuu Heer-kulka gaaro Ku-dhawaad 40 digirii oo Sentigaredh ah ( nearly 40 degrees Celsius).

W/T: Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Soomaaliya

- Advertisement -