Shirweynaha Culimada oo Maalintii 3aad looga dooday afar qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana maanta lagu soo bandhigay qodobo kala duwan oo xasaasi ah

Xiriirka ka dhexeeya dowladnimada iyo diinta, waajibaadka dowladda ka saaran ilaalinta diinta iyo dhaqanka, horumarinta hannaaka caddaaladda, aragti culimada Soomaaliyeed ee hagaajinta dowladnimada Soomaaliyeed iyo la dagaallanka qabyaaladda ayaa ka mid ahaa qodobadii maanta laga dooday.

Dr. Cusmaan Macallim Maxamed oo ka soo safray magaalada Rasuulka CSW ee Madiina iyo culimo kale ayaa soo jeediyey dood ku saabsan sida fikirka argagixisadu uu ugu saleysan yahay gaaleysiinta dadkeenna Islaamka ah iyo marin habaabinta ay ku hayaan diinta.

Culimada Soomaaliyeed ayaa shirka ku falaanqeynaya khatarta fikirka xagjirnimada ah iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed iyagoo soo bandhigay xukunka sharciga ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  labo cisho ka hor furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhibaatada fikirka xagjirnimada, sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda Islaamka, doorka culimada ee xoreynta dalka iyo qorshaha dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan culumaaudiin ka kala yimid gudaha dalka iyo caalamka qeybo ka mid ah ayaa la filayaa iney bayaan shirka ka soo saaraan bayaan diineed iyo fatwo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, taasoo sidoo kale lagu cadeyn doono iney tahay koox khawaarij ah oo ay banaan tahay in lala dagaalamo sida ay sheegayaan ilo ku dhow shirweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -