(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray mashruuc cusub, kuwo kalena dhagax dhigay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo, kaasi oo loo dhisidoono, si casri ah oo la jaanqaadaya garoomada Cagaaran ee caalamiga ah.

Dhismaha Garoonka Cagaaran ee Kubadda cagta Boosaaso oo ay kharashka dhismihiisa ka taageerayso Dowladda Puntland ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa la dhammaystiray qiimaynta dhismaha Garoonka, isagoo ka koobnaandoona laba qaybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah.

Qaybta koowaad:

  1. Dhismaha Qaybta taarabuunka oo qaadidoona 3,000 oo qof
  2. Qaybta VIP-da oo qaadda 100 qof
  3. labo qol oo hool ah oo dhar bedelesho ah oo wata musquluhii ciyaartoyda
  4. Dhismaha qaybta GYM-ka oo ay ku jimicsandoonaan Ciyaartoyda.
  5. Banaynta iyo diyaarinta Qaybta Baarkinka gawaarida.

Qaybta Koowaad

Dhismaha Garoonka Cagaaran ee dhigidda Roogga, kaasi oo ka koobnaandoona qaybaha kala ah.

  1. Dhismaha Garoon Cagaaran oo cabir ka la dhisayo -noqondoono (105 meter x 68 meter)
  2. Nalaynta dhismaha Garoonka oo suurta gelinaaya in habeen iyo maalinba lagu ciyaaro
  3. Goobta Bedelka ciyaartoyda iyo macalimiinta
  4. Qaybta Gargaarka deg-degga ah iyo saxaafadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wadada Jidka Sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi oo la dhammaystiray 1.5KM oo balaceedu dhan yahay 30M

Madaxweyne Deni ayaa isla maanta dhagax dhigay dhismaha 3.5KM oo lagu daridoono wadada jidka sodonka ee magaalada Boosaaso, taasi wax weyn ka taridoonta isu socodka dadka, ganacsiga, bilicda iyo horumarka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Maamulka Gobolka iyo Degmada ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga Dhexe qaybta magaalada Boosaaso oo loo dhisidoono si casri ah, islamarkaana ka koobnaandoona laba dabaq iyo masaajid ay u dhammaystiran yihiin agabkiisii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -