Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 50-xubnood oo Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal ay maanta si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka lagu dilay dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla duleedka Xarardheere.

Howlgalkan oo isugu jiray mid ciidamada Danab dhinaca dhulka ka fulinayeen iyo duqeymo Mareykanka ku caawinayay ciidanka kumaandooska ayaa lagu dilay 50-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab sida warbaahinta dowladda lagu baahiyay

Taliyaha ciidanka dhulka   General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidanka dowladda la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Xarardheere sidoo kale dileen 50- dagaalame  oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka maanta dhacay, waxa uuna xusay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi ee laga fulinayo gobolada dalka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan la wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka wadeen deegaanno dhoor ah oo degmadasai hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -