Jaadka oo laga mamnuucay qaar kamid ah Deegaannada ay ka socdaan Dagaalka ka dhanka ah Al Shababa

Wasaaradda  Amniga ee Dowladda Gobaleedka Galmudug ayaa qoraal ay soo saartay ku mamnuucday in jaad la geeyo ama laga isticmaalo deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Qoralka kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu sheegay isticmaalka jaadka in uu caqabad ku yahay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa digniin u dirtay ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada oo ay ka mid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Mamnuucitaanka jaadka goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa imaanaya xilli dhawwaan degmada Galcad iyo deegaanno kale ay ka dhaceen weeraro Al Shabaab ku laayeen askar badan iyo saraakiil.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -