Al Shabaab oo Weerar Khasaaro geestay saakay ka fulisay gudaha dalka Kenya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore waxa ay weerar qorsheesan ku qaadeen deegaanka Kamuudey oo dhaca duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay beegsadeen rasaas culusna ku fureen saldhig booliiska Kenya ku lahaayeen deegaankaasi, waxa ay sidoo kale kooxdan qarxiyeen anteendhada shirka Safaricom ku leedahay deegaankaasi .

Inta la xaqiijiyay weerarkan ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ayaa lagu dilay sadex macalimiin ah, lamana oga ilaa hada khasaaraha ciidanka booliiska kasoo gaaray weerarka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka booliiska gobolka Waqooyi Bari Kenya Paul Soi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerarka la beegsadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska iyo Anteenooyinka Shirkada Safaricom ee deegaanka Kamuudey.

Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin katirsan maamulka Gaarisa ayaa gaaray deegaanka weerarka ka dhacay si ay xaalada usoo qiimeeyaan, waxaa sidoo kale deegaankaasi la geeyay ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo Milatari.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada gaadmada ah ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay Al Shabaab deegaano katirsan gobolka Waqooyi bari iyo gobolka Xeebta ee Lamu ka fulisay weeraro khasaaro kala duwan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -