Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo howlgalo baaritaan ah ka wada degaanka Bariire (Sawirro)

Ciidanka Kumandoska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgalo amniga lagu xoojinayo ka wada Degaanka Bariire oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay ka saareen xoogaga Al-shabaab oo muddo dheer halkaas maamulayey.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa waxay ciidamadu ku burburiyeen goob ku taala degaankaas oo Al-shabaab ay dadka Shacabka ah uga qaadi jireen lacago lagu sheegay canshuur.

“Ciidanka Geesiyaasha ah ee Danab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Argagixisada dhiigyo cabka ah ee Alshabaab, ayna tagi doonaan Dhulka hoodka ee argagixisada ay ku dhuumanayaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa shalay dhowr jiho ka galay Deegaanka Bariire oo Al-shabaab ay  u aheyd Saldhig muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mareykanka oo liiska argagxisada ku daray 26 xubnood oo Soomaali ah (Magacyada)

Caydiid Ali

(Akhriso) Siyaasiyiin & Waxgarad ka soo jeeda Puntland oo soo saaray Bayaan ka dhan ah Deni

Caydiid Ali

Mohamed bin Abdulrahman Al-Thani oo loo dhaariyey Ra’isul Wasaare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---