Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin Milateriga Somalia

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka waaberigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala degaanada Koonfur galbeed ku leeyihiin degmada Qansaxdheere.

Weerarkan ayaa ku bilowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray xoogaga Al-shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa xeradaas kaasoo socday muddo saacado ah.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in saaka ay ku waaberiisteen daryanka qaraxyo waaweyn iyo dhawaqa rasaas culus oo la isweydaarsanayey, kuwaasoo ay sheegeen iney cabsi iyo khalkhal badan ku abuureen.

Al-shabaab oo ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka saaka ka dhacay Qansax-dheere ay ku dileen askar badan oo uu ku jiray Sarkaal caan ah oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Cali mad-Yarow

Warka Al-shabaab ka soo baxay oo lagu baahiyey baraha internetka ee ku hadla afka kooxdaas ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay weerarkaas ku dhaawaceen qaar ka mid ah saraakiisha ciidankii ku sugnaa xeradaas kuwaasoo uu ku jiray sarkaal ay magaciisa ku sheegeen Xasan Eylow, hase ahaatee ma jirto cid ka madax banaan Al-shabaab oo xaqiijisay sheegashadooda.

Maamulka Koonfur galbeed weli kama hadlin weerarkan, lamana hayo faahfaahin la xiriirta weerarkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -