Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhax lugeeyay magaalada Xarardheere (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ku dhax lugeeyay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Qoor Qoor iyo masuuliyiinta kale ee la socotay ayaa tagay qaar kamid ah xaafadaha degmada Xarardheere, waxa ayna indhahooda kusoo arkeen xaaladaha ka jira xaafadahaasi iyo dad yar oo halkaasi kunool.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale inta uu socodka ku jiray tagay xarumaha dowladda ee kuyaalla degmada Xarardheere gaar ahaan xarunta maamulka, saldhigga booliiska iyo sidoo kale isbitaalka.

Degmada Xarardheere oo muddo ka badan 10-sanno gacanta ku hayeen kooxda Al Shabaab ayaa dhawwaan laga saaray, waxaana degmadaasi muddo isbuuc ka badan ku sugan madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi baaraya Dhacdadii magaalada Baydhabo oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Lafta Gareen oo Balantii uga baxay Villa Soomaaliya iyo Rajada Farmaajo oo sii xumaaneysa

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni & oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---