Madaxweyne Erdogan oo si weyn uga carrooday falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Madaxweynaha dalka Turkiye, Rajab Dayib Erdoğan ayaa si kulul u cambaareeyay falkii kooxo cunsuriyiin ah ku gubeen kitaabka Qur’aanka Kariim iyo bannaanbaxii ka dhacay bannaanka hore ee safaaradda Turkiga ku leeyahay magaalada Stockholm.

Erdogan ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay falkii kitaabka Qur’aanka doraad lagu gubay, waxa uuna falkaasi ku tilmaamay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

” Qur’aanka Kariimka ee uu Ilaahay xafiday, marnaba dhibaatada ma gaarayo Kitaabka Munasalka, xitaa haddii uu gubo mid ka soo harray saliibiyiinta, waxaan og nahay in muddo socotay Ololayaasha Saliibiinta Yurub oo ay isbarbar dhigeen Fahamka Iskaamka iyo Turkiga, waana ku han weynahay Isbarbar-dhigaasi” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay Sweden in aanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO.

Erdogan ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo Turkiga u aqoonsan yahay koox argagaxiso sidoo kale dagaalka kula jirta Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -