Yuusuf Madaale oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho Dhaawacyana booqday (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqa ugu maqnaa Dalka Kuwait ayaa maanta si deg deg ah ugu soo noqday Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo dhibaatadii ka dhacday xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar oo ay dad ku wax yeeloobeen.

Guddoomiye Madaale oo ay wehlinaayan Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo lagu daweynayo dadkii kusoo wax yeeloobay dhibaatadii ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir, isagoo u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ayaa sidoo kale kormeeray xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen xubno katirsan Al Shabaab, kuwaas oo daqiiqada kooban gudahooda ay toogteen Ciidanka Amniga.

Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Kulan gaar ah oo isugu jiray tacsiyeen, iyo mahadcelin ku aadan gurmadkii la fidiyay la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka saraakiisha Amniga, aggaasimayaal iyo guddoomiyaasha degmooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -