Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wakiilka QM ee Somalia oo kulankii ugu horeeyey la yeelatay Souef M. El-Amine (Sawirro)

Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Catriona Laing ayaa maanta magaalada Muqdisho ku booqatay, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS), Souef Mohamed El-Amine.

Waxay ka wadahadleen iskaashiga u dhexeeya Qaraamada Midoobay iyo ATMIS, isbadalka amniga ee Soomaaliya, iyo shaqada muhiimka ah ee nabad-ilaalinta ATMIS ee taageerada amniga Soomaaliya.

Souef Mohamed El-Amine ayaa Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia warbixin ka siiyey sida ay u socdaan howlgalada ciidamada ATMIS ka wadaan Somalia iyo taageerada DF.

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee dhawaantan la magacaabay, Catriona Laing, ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa ah diblumaasiyad sare, waxaana xilkaan oo loo magacaabay bishii la soo dhaafay, iyadoo xilka kala wareegeysa Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Mareykanka u dhashay.

Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan u gudbineysa Madaxweyne Xasan Shiikh warqadaheeda aqoonsiga ee danjirenimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Joogtada ee golaha Shacabka

Cabdi Cade

(Akhriso) Habraaca soo xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Qorshe Xilka looga qaadayo Taliyaasha Ciidamada Milatariga ,Booliiska & NISA oo la diyaariyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---