Madaxweyne amar ku bixiyay in la toogto dadka diida xayiraada Caronavirus !!

Inta badan Wadamada caalamka ayaa xayiraad kusoo rogay shacabkooda kuna amray in ay joogaan guryahooda si looga hortago in uu faafo dad badana uu dilo cudurka Caronavirus oo dhibaato badan caalamka xiligan ku haya.

Wadamada caalamka qaarkood ayaa soo saaray amaro adag oo lagu dhaqan galinayo xayiraada laguna cabsi galinayo dadka jabiya xayiraada, waxaana wadamada qaar ka muuqda dabacsanaan ku aadan fulinta amarka xayiraada.

Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, oo telefishinka kala hadlay shacabka dalkaasi ayaa uga digay in ay ka dhago adeegaan amarka xayiraada ay soo rogtay dowlada , waxa uuna ku hanjabay in talaabooyin adag laga qaadayo dadka amarka xayiraada jabiya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Rodrigo Duterte, in faafintaan cudurka Caropnavirus ee dalkiisa uu kasii darayo, waxa uuna ku amray ciidamada in ay toogtaan dadka ka biyo diida xayiraada dowladu soo rogtay.

“Xaaladdu way kasii dareysaa. Marka waxaan mar labaad idiin sheegayaa inaad si dhab ah u fahantaan dhibaatada oo aad wax maqashaan, farriinta aan booliska iyo milatariga u dirayana waxay tahay , haddii ay dadku dhib keenaan, oo idinla dagaallamaan, naftiinnana khatar galiyaan, toogasho ku dila, hadalkaas ma la fahmay? Waad dhimaneysaan, intii aad dhibaato keeni lahaydeen, Aniga ayaa idin aasaya.” ayuu yiri Madaxweynaha Filibiin.

Dalka Filibiin ayaa cudurka Caronavirus waxa uu ku dhacay dad ka badan 2,311 qof, waxaana gudaha Filibiin cudurkaasi ugu geeriyooday dad gaaraya 96-qof sida laga soo xigtay saraakiil katirsan dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -