Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu Sharaftiisa ilaashado isna casilo maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goordhaw la filayo in uu hortago lana hadlo Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa loogu baaqay in uu is casilo.

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Villa Hargeysa ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in sharaftiisa ilaashado iskuna hor casilo Golaha shacabka hortiisa.

“ Farmaajo waan kuu duceeyneeynaa ee usha iska dhig ee Maanta Baarlamaanka hortooda iska casil, sharaf ayaad ku heleeysaa, waxaana ku leeyahay wax waad qaban weeysay oo waa lagaa raayaye fadlan is casil ayuu yiri” Xildhibaan Idiris.

Xildhibaanka ayaa sheegay dalka Soomaaliya xilligaan uusan lahey mas’uul daacad ah oo u damqanay, isla markaana siyaasi iyo qof walba uu wato dano u gar ah oo dadka dhibato ku ah sida uu tilmaamay.

Codsiga loo jeedinayo Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan in uu is casilo ayaa sii kordhaya, waxaana aad u yar rajada laga qabo in Madaxweyne Farmaajo talada loo jeedinayo ee ah in uu is casilo si loo bad baadiyo dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -