Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo isaga baxay Degmo lagu weeraray

Ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee dhawwaan la wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa wararku sheegayaan in halkaasi isaga soo baxeen, kadddib weerar culus oo Al Shabaab ku qaadeen degmadaasi.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isaga baxay gudaha  degmada Galcad, waxa ayna ciidankan fariisimo cusub ka dhigteen duleedka degmada Galcad .

Al Shabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen degmada Galcad, waxaana weerarkaasi lagu dilay ciidan katirsan milatariga Soomaaliya uu ku jiray taliye kuxigeenkii ciidanka Danab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaan wali ka hadlin ka bixitaanka ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawuusleyda ee demada Galcad, waxa ayna ka bixitaanka ciidankan imaaneysa xilli ciidanka dowladda dhawwaan la wareegeen degmooyin Al Shabaab heesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ka laabtay Mooshin laga wado Farmaajo sir Culusna ka shifay 

admin

Somalia oo ka falcelisay go’aan dhowaan ka soo baxay Maamulka Trump

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay qaraxyo ku gubtay Suuq kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---