Xildhibaan ka laabtay Mooshin laga wado Farmaajo sir Culusna ka shifay 

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana mooshinkan gadaal ka riixayay xubno qandaraas kusoo qaatay in ay ridaan Farmaajo.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanada Mooshinkan saxiixay ayaa la siinayay lacag horumaris ah oo dhan 10-Kun oo Dollar, halka loo balan qaaday lacago kale oo la siinayo marka ay Madaxweynaha ridaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinkan saxiixay ayaa sheegay in ay ka laabteen, waxa ayna sheeeen in uu ahaa mooshinkaas mid loo hoos galiyay balse go’aansadeen in ay dib uga laabtaan.

Xildhibaan C/llaahi Shaacir oo kamid ahaa Xildhibaanadii Saxiixay Mooshinka laga waday Madaxwey aha ayaa sheegay in uu ka laabtay Mooshinkaasi, waxa uuna tilmaamay in Mooshinkaasi wadaan wadamo shisheeye iyo dad aan dalka iyo dadka u tureyn.

Waxa uu sheegay in ay jiraan cadaw dalka iyo dibada ah oo doonaya in ay wiiqaan horumarka iyo nabad dalka ka jirta, waxa uuna xusay in cadowgaasi doonayaan in ay dhabar jebiyaan Madaxweynaha.

Xildhibaan C/llaahi Shaacir ayaa ugu baaqay Xildhibaanada kale ee saxiixay Mooshinkan in ay ka laabtaan una turaan dalka iyo dadka ay matalaan, waxa uuna tilmaamay dadka mooshinka qandaraaska kusoo qaatay aysan wax dan ah u heyn umada Soomaaliyeed.

Mooshinka Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka wadaan Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid gaabis ku socda, waxa ayna Xildhibaanada qaar bilaabeen in ay dib uga laabtaan saxiixa Mooshinkaasi.

- Advertisement -