Xildhibaano loo diiday in ay u safraan gobolka Gedo iyo NSA oo sabab u noqotay

Xildhibaanno katirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo kusii jeeday gobolka Gedo ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib ammar kasoo baxay taliska nabad sugida Gedo.

Xildhibaan Maxamed Daa’uud Cumar oo ka tirsan xildhibaanada Jubbaland ee la celiyay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in markii labaad laga hor istaagay in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda gobolka ay kasoo jeedaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ammarka looga celiyay garoonka Muqdisho uu kasoo baxay taliyaha NISA ee Gedo Jamaal Xasan Tareey, waxa uuna xusay xildhibaanka in taliyahan markii ay la xiriireen u sheegay in isna ammarka laga soo siiyay taliska guud ee NISA.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ayaan wali xal laga gaarin, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay socday wadahadalo xal loogu raadinayo xiisadda gobolka Gedo oo u dhaxeysay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Gobolka Gedo waxaa hadda ka taliya maamul uu horey u sameeyay madaxweynihii hore ee Farmaajo, maamulkaasi ayaana diidan jiritaanka maamulka Jubbaland iyo in ay hoostagaan, halka maamulka Axmed Madoobe ku doodayo in Gedo gacantiisa lasoo galiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -