Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaaryahan caan ah oo ilmada ceshan waayay xilli uu Warbaahinta la hadlayay !

Vinicius Junior ayaa ilmada ceshan kari waayey isaga oo magaalada Madrid kula hadlayey saxaafadda , halkaas oo uu xulka qarankiisa Brazil caawa oo Salaasa ah kula ciyaari doono waddanka Spain.

Xiddiga reer Brazil ayaa wax laga weydiiyey cunsuriyadda iyo faquuqa uu kala kulmo taageereyaasha oo ku aflagaadeeya gudaha garoomada Spain, waxaana uu miciinsaday oohin ka qiiraysiisay saxafiyiintii hortiisa fadhiday ee su’aalaha weydiinaysay.

23 jirkan oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii xulka qaranka England ay 1-0 kaga adkaadeen Axaddii ee garoonka Wembley Stadium, isla markaana goolkii uu dhaliyey Endrick uu isagu ula tegay goolhaye Jordan Pickford oo ka badbaadiyey ka hor intii aanay kubaddu u tegin Endrick, ayaa waxa la filayaa inuu mar kale hoggaamiyo weerarka xulkiisa.

Garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu ayay ka dhici doontaa ciyaarta Brazil iyo Spain waxaana la filayaa inuu noqon doono laacibka hogaamin doona weerarka xulkiisa.

Wariye ku sugnaa shirka jaraa’id ayaa weydiiyey Vinicius Jr dhibaatooyinka uu kula kulmo garoomada, gaar ahaan cunsuriyadda, waxaanu ku jawaabay: “Aflagaaddada cunsuriyaddu kama dhacdo Spain oo kaliya, laakiin adduunyada oo dhan ayay ka jirtaa. Maalin walba waxa aan gurigayga tagaa ania oo murugoonaya. Ma jiro qof i taageeraya.

“Waan ka xumahay, aniga kaliya waxa aan doonayaa in aan ciyaaro kubadda cagta iyo inaan wax walba u qabto kooxdayda iyo qoyskaya.”

Vinicius Jr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: “Cisho kasta waxa aan dareemaa inay kasii xun tahay, laakiin waa in aan halkan imaaddo oo aan soo bandhigo wajigayga. Waxa aan caawimo weydiistay UEFA, FIFA, Conmebol iyo CBF (xidhiidhka kubadda cagta Brazil), waa ururro badan oo la dagaallami kara cunsuriyadda.”

Waxa uu Vinicius Junior soo qaatay hadal uu hore u yidhi halyeyii feedhka ee Muslimka ahaa ee Mohammad Ali, waxaanu yidhi: “Hadda in badan ayaan fahmay cunsuriyadda, waan daraaseeyey, waana sababta aan uga hadlayo. Muhammad Ali ayaa ahaa tusaale, waxaanan halkan ku joogaa oo aan ku hadlayaa magaca reer Brazil. Sababtoo ah in badan oo ka mid ah ayaa i difaacday.”

W/Q Abdiwahaab Ahmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad Xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Kooxda Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka Colombia iyo Digniin laga bixiyay

Cabdi Cade

Daawo:-Shiikh Shariif & Xasan Cali Khayre “Ciidankii Soomaaliya wuxay u ku kala qeybsameyn laba dhinac”

admin