Gudoonka labada aqal oo la kulmay Wafdigii uu horkacayey Hakan Çavuşoğlu (Daawo Sawirro)

Guddoonka labadda aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu hoggaaminaayey Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu oo boosaho ku yimid Somalia.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddiga saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ee Golaha Shacabka Soomaaliya iyo guddiga arrimaha dibedda ee golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Turkiga uga mahadceliyey taageeradda ay shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan sidii ay inoogu soo gurmadeen Musabadii 14 October.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isna uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Mashaariicda Horumarineed ee ay Soomaaliya  ka wadaan iyo is garab taagooda Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Hakan Çavuşoğlu ayaa dhinaciisa ka mahad celiyey sida dalka loogu  soo dhoweeyey isagoo balan-qaaday in dowlada Turkiga ay sii wadeyso kaalmada shacabka Soomaaliyeed iyo mashaaariicda ay ka wado Somalia.

Wafdigan oo sidoo kale kulan la qaatay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya ayaa Muqdisho ka dhoofay , iyagoo dib ugu laabtay dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -