Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee 54-aad, oo ay ku socoto dayactir, dib-u-dhis, qalabeyn iyo u dhameystirada baahiyaha Asaasiga ah sida Ceelbiyoodka Xarunta.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta taliska Ciidanka, xafiisyada saraakiisha iyo howlwadeennada oo si casri ah loo dhisay, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Masuuliyiinta Shirkada dhismaha ee KEBARCO oo dhisaysa xaruntan.

Xarunta Taliska Ciidanka Daraawiishta ee 54-aad oo aheyd halkii lagu aasaasay maamulka a Puntland 1998, waa markii ugu horeysay ee hab casri ah oo horumarsan loo dhisayo, iyadoo la fulinayo Siyaasadda Madaxweynaha Puntland ee ku dhisan tayeynta ciidamada iyo barahooda hoggaamineed iyo guud ahaan xafiisyada Hay’adaha dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Cumar Filish & Ku-xigeenadiisa ku soo arkeen degmada Dayniile? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xabsi iyo ganaax lacageed oo lagu xukumay Odayaal iyo Siyaasi dhaliilay Maamulka Siciid Deni

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo faahfaahin ka bixiyey dilal maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---