Maxay Cumar Filish & Ku-xigeenadiisa ku soo arkeen degmada Dayniile? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyeen Kuxigeenada Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa socdaal kormeer ah kusoo maray duleedka Degmada Dayniile, kaasoo ay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ugu kuur-galayeen Xaaladaha Amni iyo tan Bulsho.

Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa inta uu ku guda jiray kormeerka waxa uu tagay beeraha ku yaala duleedka Degmada Dayniile halkaasi oo uu waqti kula qaatay madaxdii la socotay, Asigoona kula dar-daarmay in laga shaqeeyo Amniga.

Degmada Dayniile ayaa ka mid ah degmooyinka fara ku tiriska ah ee leh meelaha lagu dalxiiso ee dabiiciga, waxaana degmada ku yaalla hotelo casri ah, beero ay ka baxaan dalagyo kala duwan dhul qurux iyo doog badan leh oo dalxiiska ku wacan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -