Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti Kaddib Casuumad loo fidiyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.

Axmed Madoobe ayaa dalka jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo Saddex maalmood ah, kaddib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marar badan safaro ku tagay qaar kamid ah waddamada dariska ah la Soomaaliya, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay madax katirsan dowladaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay xariga Cabdi Max’uud Cumar

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo Shirka Farmaajo iclaamiyay

Cabdi Cade

Imaam Masjid & Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---