(Sawirro) Maxaa looga hadlayaa shirka u furmay Dowlada Somalia, Bankiga Adduunka & IMF?

Waxaa maanta shir muhiim ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan ayaa looga hadlaya arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur ayaa shirkan si rasmi u furay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Shirkaan ayaa socon doono muddo saddex maalin ah.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa maanta innoo furmay shirka deyn-cafinta ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda oo Wasaaradda Maaliyadda ay hoggaan u tahay iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka” ayuu yiri wasiirka Maaliyada oo qoraal soo dhigay baraha bulshada

“Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Shirkaan inta uu socdo waxa aan diiradda ku saaraynaa wixii innooga qabsoomay hannaanka dub-u-habeynta Maaliyadda sanaddii  tagtay ee 2022 iyo heegsigeena sanadkaan 2023 oo aan rajo wanaagsan ka qabno in aan gaarno barta kama dambeysta  ah ee deyn-cafinta”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -