Imaam Masjid & Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Dabley hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Nabadoon caan ah iyo imaamka Masaajid halkaas ku yaalla sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya.

Nabadoon Cusmaan Cabdi Saalax oo ka tirsanaa Waxgaradka beelaha degaanka ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaalla degmada Afgooye sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa isla caawa lagu dilay degmada Afgooye Imaamka masjidka xaafada Raqeyle C/llaahi Axmed Caliyow ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.

Maamulka degmada afgooye iyo laamaha amaanka degmadaas ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilalka caawa dhacay.

Weli ma cadda cida dilalkan geysatay iyo sababta ka dambeysa toona, mana jirto cid sheegatay illaa hadda inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -