Ruushka oo Dad badan ku laayay Gantaal ay ku dhufteen Guri Dabaq ah (Sawirro)

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa duqeymo culus ku garaacay saacadihii lasoo dhaafay magaalada Dnipro ee dalka Ukraine, waxaana duqeymaha Ruushka geestay ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gantaal ciidamada Ruushka ku dhufteen guri dabaq ah oo kuyaalla magaalada Dnipro ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale burburay inta badan dhismihii dabaqa ahaa.

Inta la xaqiijiyay 21-qof ayaa ku dhimatay gantaalka Ruushka ku dhufteen dhismaha kuyaalla magaalada magaalada Dnipro, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 73 qof oo kale oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa baadigoob ugu jira 35 qof oo lagu la yahay nolol iyo geeri, kuwaa oo la sheegay in dhismaha ku sugnaayeen marka gantaalka ku dhufanayeen ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaana duqeymihii ugu cuslaa shalay iyo maanta ku garaacay magaalada Dnipro ee dalka Ukraine, waxaana magaaladan laga soo sheegayaa in xilligan ka jirto xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -