Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney kunool Muqdisho oo lagu soo qabtay gurigeeda Hub iyo bambaanooyin (Sawirro)

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho ku soo qabtay haweenay gurigeeda uu ku keydsanaa hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Nabad sugida oo helay xogta gurigan looga shakiyay in xubno katirsan Al Shabaab degan yihiin ayaa galay kuna sameeyay baaritaano, waxa ayna ciidamada halkaasi ka heleen hub kala duwan .

Saraakiil katirsan Nabad sugida ayaa sheegay in hubka laga helay guriga dhulka hoostiisa lagu duugay, waxaana ciidamada oo qoday qeybo kamid ah guriga kasoo saareen qoray AK-47 , rasaas kala duwan iyo bambaanooyin nuuca gacanta laga tuuro.

Ciidamada ayaana xabsi dhigay haweeneydii gurigan howlgalka laga sameeyay ku sugneed, waxa ayna saraakiisha Nabad sugida sheegeen in haweeneydan la qabtay ku socdaan baaritaano loona gudbin doono maxkamada.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho qorsheenayaan in ay bilaabaan howlgalo baaritaano guri guri ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaashi Cumar oo iska diiday 3-Malyan Euro oo Magdhaw ahaan loogu xukumay

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo booqasho taariikhi ah ku tegaya Pyongyang

Caydiid Ali

Meydka RW hore ee Somalia oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---