Saraakiil ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo booqasho taariikhi ah ku tegaya Pyongyang

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorsheynaya in laba sarkaal oo sarsare uu u diro dalka deriska ah ee Kuuriyada Woqooyi si loo sii xoojiyo debacsanaanta diblomaasiyadeed ee bilaabatay tan iyo billowgii ciyaarihii xilliyada qaboobaha ee ka furmay Kuuriyada Koonfureed.

Wafdiga Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa hoggaamin doono madaxa sirdoonka dalkaas iyo Wasiirka amniga Qaranka.

Sida uu sheegay kaaliye ka tirsan xafiiska madaxweyne Moon Jae-in, ergadani ayaa booqashada Pyongyang kaddib waxay aadi doonaan Mareykanka, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dedaallada xukuumadda Seoul ay ku dooneyso in ay isugu soo dhaweyso Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la yeelato Mareykanka balse waxa ay cambaareysay dhoolatuska milatari ee sida wada jirka ahi ay u sameyn doonaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -