Ciidamada Huwanta ah oo kusii siqaya Xarardheere iyo Al Shabaab oo Ammaro soo rogtay

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Haramcad oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo kawada deegaanno katirsan gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay la wareegaan degmada Xarardheere.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada Xarar Dheere, waxa ayna ciidamada diyaarinayaan qorshihii ay ula wareegi lahaayeen degmada Xarardheere oo ah fariisinka ugu weyn Al Shabaab ee Mudug.

Ciidamada huwanta ah oo wata gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan sidoo kale taageerayaan diyaarado dagaal ayaa doonaya in dhoor jiho ka galaan degmada Xarardheere oo Al Shabaab u ahaa farrisimo muhiim ah.

Saraakiil katirsan ciidamada howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in Al Shabaab ka baxeen deegaanno dhoor ah oo hoostaga Xarardheere, sidoo kale baneeyeen qeybo kamid ah fariisimihii degmadaasi ku lahaayeen Al Shabaab.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Al Shabaab ku amareen shacabka degan Xarar dheere haddii degmadaasi gacantooda ka baxdo in ay isaga baxaan , waxa ayna dadka uga digeen in ay la macaamilaan ama soo dhaweeyaan ciidanka qabsada magaaladaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheesay labo howlgal waa weyn oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -