Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka RW hore ee Somalia oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Dayuurad gaar ah oo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka soo qaaday xalay meydka ILAAHAY ha u naxariistee RW hore ee Somalia Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow abaare 8:00 subaxnimo ka soo degtay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku sugan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha Xukuumada iyo labada aqal ee baarlamanka, madaxda sare ee DF iyo xubno kale si ay maamuus ugu sameeyaan meydka RW hore.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo masuuliyiinta kale ee dowlada ayaa marxuumka salaada janaasada ku tukan doona ka hor inta aan loo duulinin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland oo meydka RW hore lagu aasi maanta.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Guddiga joogtada ee Aqalka sare (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee Dhuusamareeb ugu diyaar garowday soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo?

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta imaanaya Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---