Guddiga Doorashada oo Weli ku dhegan kursiga uu u tartamyo Fahad Yaasiin

Qoraal habeenkii jimcaha kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa lagu hakiyay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo loo xiray lataliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji oo maanta la filayo in uu kusoo baxo kursigaasi.

Boggagii baraha bulshada ee ku lahaayeen guddiga doorashada ayaana lala wareegay markii go’aankaasi soo saareen heer federaal, waxaana qoraal lasoo dhigay bogga guddiga been abuur lagu tilmaamay warqadaasi .

Qoraal xalay xilli dambe lasoo galiyay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada heer federaal ayaa lagu shaaciyay in dib ula soo wareegeen gacan ku heynta baraha bulshada ay lahaayeen guddiga doorashada.

Waxa ayna guddiga soo dhigeen qoraal kooban ay ku bogaadinayaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee maanta ka bilaabaneysa magaalada Baledweyne, waxa ayna guddiga sheegeen in kursiga HOP086 wali sidii loo hakiyay uu yahay.

”Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu bogaadinayaa Guddiga SEIT ee Hirshabelle dardar gelinta kuraasta deegaan doorashada labaad ee Beledweyne, hasayeeshee wuxuu farayaa, adkaynayaana qoraalkii kasoo baxay guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee lagu hakiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada.

Qoraalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay horey u diideen guddiga doorashada Hirshabelle hakinta doorashada kursiga uu rabo Fahad Yaasiin, waxaana kursigan la filayaa in uu kamid noqdo kuraasta maanta lagu dooranayo Baledweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -