Booliiska Muqdisho oo qabtay Burcad hubeesan iyo kooxo Maandooriye Iibinayay (Sawirro)

Ciidanka booliska ee ka howlgala saldhigga degmada Howlwaddaag ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay in ay ahaayeen burcad dhac ka geesanayay xaafado katirsan degmada Howlwadaag.

Ciidanka booliiska ayaa labadaan nin ee burcada ah ka qabtay xalay fiidkii gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ,waxaana burcadan gacanta lagu dhigay xilli ay dad shacab ah ku dhacayeen tooreeyo ay wateen.

Dhanka kale, ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna xalay soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliska qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in mar walbo u taagan yihiin sugida amniga caasimadda iyo deegaannada hoostaga , waxa ayna sheegeen taliska in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo falal ammaan darro gacanta kula jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -