Somalia & Bankiga adduunka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $445 Million oo dollar (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svensson oo ah Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka .

Kulan uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay
guulaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.

Kulanka kaddib ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu horumarinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in mashaariicda kalan saxiixday ay aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, mashaariicdaas ku saabsan Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta.

“Waxaa farxad weyn noo ah maanta in aanu la kulanay Bangiga Adduunka kooxda ka socota oo aan kala saxiixanay mashaariic aad iyo aad muhiim ugu dalkan Soomaaliya mashaariicdaas oo Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta oo gaaraysa 445 Milyan oo Doollar ayaan maanta kala saxiixanay”.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicdaan oo Deeq ah ay socon doonnaan saddexda sanno ee soo socota. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Deeqdaan lacageed ay marqaati ka tahay habka Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ku soo dhaqantay 4 sanno ee la soo dhaafay iyo sida adduunku u aamminsan yahay inuu wax badan soo qabtay, haddana qaban karo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic intaan ka badan ay soo socdaa, sidoo kalena kala saxiixan doono inta uusan sannadkaan dhammaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -