Burcad baad ka qaadeysay guri la dhisayay oo lagu xiray Degmada Dayniile

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Dayniile ayaa maanta agagaarka Jaamacada Gaheyr waxa ay kasoo qabteen sadex nin oo burcad ah oo lacago baad ah ka qaadayay dad shacab ah oo guryo dhisanayay.

Dadka deegaanka ayaa Ciidamada amaanka ku war galiyay burcada lacagta baada ka qaadaneysa qoys guri ka dhisanayay degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kurdamac, waxa ayna ciidamada amaanka ku guuleesteen in gacanta kusoo dhigaan burcadaasi.

Burcada hubeesan ee maanta lagu qabtay degmada Dayniile ayaa hada ku xiran saldhiga booliiska ee kuyaala Xero Jarmalka, waxaana la filayaa in beri loo sii gudbiyo hay’adaha barista si ay baaritaano dheeraad ah ugu sameeyaan burcadan hubeesan.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa shalay shaaca ka qaaday in wax lacag ah aan laga qaadi Karin dadka guryaha dhisanaya, waxa uuna amray cidii isku dayda in shacabka baadaan in lasoo xiro talaabana laga qaado.

Degmada Dayniile ayaa mudooyinkii hore waxaa dadka guryaha dhisanaya lacagi baad ah ka qaadan jiray ciidamo hubeesan oon cidna ka amar qaadan, maamulkii hore ee Dayniile ayaana ku guul dareestay wax ka qabashada arintan oo dhibaato ku qabeen Shacabka.

Shacabka degmada Daynkiile ayaa si weyn usoo dhaweeyay maamulka cusub ee degmada Dayniile talaabooyinka ay durba qaadeen, waxa ayna shacabka ku faraxsan yihiin in laga qabtay ciidamadii baada ka qaadi jiray marka ay guryo dhisanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -