Xilliga uu furmayo Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay iyo farriin loo diray …

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota qaban qaabada furitaanka shirka dib u heshiisiinbta Koonfur Galbeed oo ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee kasoo jeeda deegaannadaasi.

Guddiga farsamada shirkan uu magacabaabay guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in shirkan uu furmayo 16-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah.

Waxa ay ka dalbadeen guddiga farsamada siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee loo diray casuumadda shirkan iyo wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya in ay kasoo qeybgalana shirkan oo muhiimad gaar ah leh.

Magaalada Baydhabo ayaana lagu wadaa in maanta iyo beri gaaraan wafuud kala duwan oo la filayo in ay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta ee ka furmaya magaalada Baydhabo, kaa oo la doonayo in xal looga gaaro xiisada ka taagan Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaana shirkan hormuud u ah sidoo kale fidiyay gogoshiisa, waxa uuna wali ka shaqeenaya in labada dhinac ee iska soo horjeeda isla fariistaan ayna kawada hadlaan sidii xal loo heli lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -