Ciidamo ka baxay Muqdisho oo Safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga dowladda Soomaaliya oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa safar dhinaca dhulka ah ku gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidankan oo watay gaadiid nuuca dagaalka ah oo ka baxay magaalada Muqdisho si nabdoon ku gaareen magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ciidankan sii mareen gobolo kala duwan.

Ciidankan gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka lagu wado in ay ka bilaabaan degmada Xarardheere iyo deegaanno hoostaga oo Al Shabaab maamulaan.

Waxaa horey u xirnaa isku socodka gobolada dalka qaarkood , waxaana ku adkeed ciidanka dowladda in ay safar dhulka ah ku gaaraan gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, hasa ahaatee waxaa hadda furmay waddooyin badan oo xirnaa.

Howlagalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka bilowday gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa suurto galiyay in sannado kaddib furmaan isku socodka gobolada qaar ayna safar dhulka ah halkaasi ciidamada iyo gaadiidkooda ku tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -