Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxii hawlgalada Kooxda Daacish ee degaanada Puntland oo la qaarajiyey

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari  Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay  weerar Daacish ku qaadday degaanka Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishan January.

“Iska horimaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawlgalada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaasoo xilkan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 ka dib markii xilligaas la dilay madaxii hore ee hawlgalada Daacish Abuu Waliid Al-Muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu dad badan oo Ethiopian ah ku qasbay in ay Daacish ku biiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta kulan Aadan Madoobe la qaatay wafdi ka socda dowlada Ciraaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Dabley hubeysan oo caawa dil iyo dhac ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Dayuurado shil ku galay dalka Faransiiska & howlo gurmad ah oo socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---