Qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galay dibed-baxii shalay oo dil iyo dhaawac loo geystay

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galay dibedbaxii kacdoonka shacabka Muqdisho ee shalay ka dhacay garoonka Eng. Yariisow ayaa xalay dil iyo dhaawac loo geystay.

Dibed baxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay shaqaalaha heyadaha DF iyo kumanaan ka tirsan shacabka magaalada oo laga kala keenay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay sidoo kale madaxda sare ee dowlada Somalia.

Hase ahaatee markii uu dhamaaday dibed baxa ayaa qaar ka mid ah basaskii lagu qaaday dibed baxayaasha ee xaafadahooda lagu celinaayey waxaa lala beegsaday qaraxyo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta.

Basaska qaraxyada laga beegsaday qaraxyada waxaa ka mid ah kuwii aaday degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana illaa hadda la xaqijiyey geerida haweeney ka tirsaneyd dadkii ka qeyb galay dibed baxa iyo dhaawaca 8 kale oo la dhigay goobaha caafimaadka Muqdisho.

Haweeneyda Geeriyootay oo la oran jiray Fardowsa Maxamed Axmed ayaa lagu celiyey hoygeeda, iyadoo meyd ah waxayna ifka kaga tagtay qoys ka kooban 9 caruur ah iyo aabahood, masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Banaadir ayaana xalay saqdii dhexe booqday hoyga, si ay ug tacsiyadeeyaan qoyska.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan dhimashada iyo dhaawaca sababay, Maamulka gobolka Banaadir iyo heyadaha amaanka gobolka Banaadir ayaan sidoo kale weli wax war ka soo saaran dhacdadan xanuunka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -