Trump oo Digniin Adag hawada u mariyay Dadka Xiriirka Ganacsi la leh dalka ….

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa digniin adag hawada u mariyay Wadamada iyo dadka kale ee xiriirka ganacsi la sameeya Dowlada Iiraan oo cunaqabteyn  Mareykanka kusoo rogay.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayuu ku sheegay  in cid kasta oo xiriir ganacsi la samaysa Iiraan aysan wax xiriir oo ganacsi uusan dhexmari doonin Mareykanka.

Waxa uu sheegay Donald Trump cunaqabateynta lagu soo rogay dalka Iiraan in ay tahay tii ugu adkeyd ee abid lagu soo rogo, waxa uuna xusay in cunaqabteyntaasi jawaab u tahay hab dhaqanka Iiraan.

Madaxweynaha dalka Iiraan Hassan Ruhani oo ka hadlay cunaqabateynta dowlada Mareykanka kusoo rogtay dalkiisa ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay wadaan dagaal dhanka maskaxda ah.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay dowlada Iiraan, Wajiga koobaad ayaa dowlad Iiraan cunaqabateyn laga saaray adeegsiga lacagta doolarka Mareykanka iyo mida birta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -