Gaadiid Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho ku jira iyo Dowlada oo ka hadashay

Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in gudaha magaalada Muqdisho ay ku jiraan gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayo in weeraro lagu geesto.

Gaadiidkan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in loo ekeesiiyay gaadiid ay leedahay mis kamid ah Shirakadaha ka howlgala magaalada Muqdisho , waxaana shacabka looga digay gaadiidkaasi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka Amniga gudaha Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa shirka golaha Wasiirada ka sheegay in gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo ekeesiiyay gaadiidka shirkada Sahal in Muqdisho ku jiraan.

Waxa  uu sheegay Wasiirka in Ciidamada amaanka ku daba jiraan gaadiidka laga shakisan yahay ee ku jira magaalada Muqdisho, waxa uuna shacabka Muqdisho ka codsaday in ciidamada amaanka kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa gaadiidkaasi.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana aad u yaraaday qaraxyada gaadiidka loo adeegsado iyo weerarada tooska ah ee Al Shabaab ka fulin jireen magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -